Skip to content
Artwork for Codka Ubax
ArtsSociety & CultureLeisure

Codka Ubax

Ismaaciil C Ubax

Codka Ubax waa podcast uu Ismaaciil kula sheekaysto dad uu u arko in ay saamayn togan ku leeyihiin bulshada, waxa xoogga lagu saari doonaa arrimaha bulshada ee wanaagga ah. 

Play
  • 128 episodes
  • Avg 36 min
  • Somali

Support the show

Goes straight to the publisher. podnod takes nothing.

Counted on this page — what you have heard stays on this device, so it is not something the list can be paged by.
  • S4 · E3
    Jun 4, 2021 · 10 min

    SE04EP03 Waa Layga Guursaday 4

    Send us Fan Mail Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday" qaybtiisii afraad. Waxa qaybtan ku jira labada sheeko ee la kala yidhaa "Jacayl-ku-xigeen" iyo "Wuu Iga Adkaa". Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S4 · E2
    May 28, 2021 · 31 min

    SE04EP02 Nidaamka Doorasho ee Somaliland

    Send us Fan Mail Dhallinyar badan oo ay da’doodu ka yar tahay 31 jir, ayaa markii u horreysay noloshooda codayn doona oo soo dooran doona Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland. Sidoo kale waxa isla mar dhacaysa doorashada Golaha Deegaanka. Barnaamijkan oo aqoonkorodhsi ah, waxa aynu ku eegi doonna taariikhda doorashooyinka Somaliland iyo marxaladaha ay soo mareen. Sidee loo qaybiyaa 82-ka kursi ee Wakiillada? Doorashadani maxay kaga duwan tahay kuwii hore? In reernimo la isku soo xulo, ma tahay dimuqraaddiyad? Waxa si waafi ah uga warramaya Garyaqaan Guuleed Dafac. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S4 · E1
    May 21, 2021 · 52 min

    SE04EP01 Guurso Inta Aanad Bac Yeelan

    Send us Fan Mail Quruxda iyo degganaanshaha reerku waxa uu ku xidhan yahay isfahan dheeraad ah oo ka dhasha wadahadal iyo in si joogto ah la isu waraysto. Waxa aan Rooble Maxamed kala sheekaystay derajooyinka guurka ka horreeya iyo kuwa guurka laftiisa, sidii ay ahaan jireen iyo maanta sida ay yihiin. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S3 · E14
    Apr 9, 2021 · 44 min

    SE03EP14 La Cawee Codka Ubax

    Send us Fan Mail Waa maalin Jimce ah, waxa aannu ku sugan nahay beer ka mid ah beeraha waaweyn ee degmada Arabsiyo. Waxa Codka Ubax si gaar ah ugu heesaya fannaaniinta kala ah Farxiya Fiska, Mahad Gelin Hore, Yurub Geenyo iyo Cabdi Yare. Cuudka waxa tumaya Nuuradiin Cali Amaan iyo Mustafe Cabdiqays, darbuugaddu waa Cali Aanso. Nala cawee. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S3 · E13
    Apr 2, 2021 · 48 min

    SE3EP13 Hiilka Ubadka Baahiyaha Gaarka Ah Leh

    Send us Fan Mail Maxaa looga jeedaa baahiyaha gaarka ah, weli se ma is weydiisay inta nooc ee ay u qaybsamaan. Waxa laga yaabaa in aynu u naqaanno dadka aan laxaadkoodu dhammayn, gaar ahaan kuwa aynu muuqaalkooda ka garan karno oo keli ah. Balse ma og tahay in baahiyaha gaarka ah kuwooda ugu badani aanay qofka muuqaalkiisa ka muuqan. Cabdishakuur Maxamed Cabdi oo muddo dheer u dagaallamayay xuquuqda carruurta dugsiyada dhigta ee leh baahiyaha gaarka ah, ayaannu ka waraysannay. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S3 · E12
    Mar 26, 2021 · 15 min

    SE03EP12 Waa Layga Guursaday 3

    Send us Fan Mail Waa qaybtii saddexaad ee taxanaheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku eegaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa "Hooyaan Noolayn" iyo "Beerlula". Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S3 · E11
    Mar 19, 2021 · 27 min

    SE03EP11 Himilada Ciyaaraha Hablaha

    Send us Fan Mail In bulshadu, rag iyo dumarba, yeelato goobo ay ku dadkeedu ku ciyaaraan, kuna jimicsadaan, waxa ay korisaa caafimaadkeedka jidheed iyo bedqabkeeda maskaxeed, labadaba. Haddaba, maxay tahay sababta bulshada lafteedu indho gaar ah ugu eegto hablaha ciyaara kubbadaha kala duwan? Sidee ayaa se looga dhigi karaa ciyaaraha hablaha, kuwo aan laga qaloon? Ayaan Maxamed waxa ay tababare u tahay hablo gaadhaya 100, kala joogana gobollo kala duwan. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S3 · E10
    Mar 13, 2021 · 45 min

    SE03EP10 Ayeeyo Xaawa Ismaaciil

    Send us Fan Mail Aan idin baro ayeeyday Xaawa Ismaaciil. Ayeeyo waa qofka aan doonayo in aan u dabbaaldego bishan haweenka awgeed. Ma aha oo keli ah tiirka ugu weyn ee maanta lagu faano, balse aniga waa ii halyey. Ayeeyo da’deedu waa 81, waxana ay carruurteedu marayaan afar jiil. Tirada ubadka ay dhashay iyo dhashoodu, waa 51 qof. Waxa ay iiga warramaysaa waayaheedii dhallaannimo, jiilashii iyada ka horreeyay iyo dabcan sidii xaalku ahaa wakhtigeedii. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S3 · E9
    Feb 26, 2021 · 1 hr 7 min

    SE03EP09 Xidhiidhka Afka & Dhaqanka

    Send us Fan Mail Xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya afka iyo dhaqanka, sidee ayaanay isu saameeyaan? Dhaqanku weligii meeshiisa taagnaan maayo, ayuu qabaa Dr. Xuseen Saleebaan. Cabdi Gurey waxa uu leeyahay, afku marxalado badan ayuu soo maray, muhiimadduna waa in ereyada cusubi aanay meesha ka saarin kuwii Soomaaliga ahaa. Balse si afka loo ilaaliyo, waa in dadka qurbaha ka imanaya ee afku ku adag yahay aan lagu qoslin, lana faquuqin, waa sida ay Hibaaq Cali qabto. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S3 · E8
    Feb 19, 2021 · 12 min

    SE03EP08 Digtoorkii Bajaajta

    Send us Fan Mail Qof aad si kedis ah ula kulantay oo aad ka heshay, sidaasna aad ku kala lunteen, sideed ku heli lahayd? Dareenka noocan ahi waxa uu ku kooban yahay qof keli ah, mana sahlana sida dareenkaas loo la noolaadaa. Sheekadan waxa ila wadaagtay inan ka mid ah dhegaystayaasha Codka Ubax. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S3 · E7
    Feb 12, 2021 · 36 min

    SE03EP07 Caweyska Hargeysa & Galaydh

    Send us Fan Mail Maxamed Galaydh waa suugaanyahan ka mid ah dadka aan xiiseeyo in aan wakhti la qaato, mar kasta oo aannu isu nimaadnana aannu fikirro is weydaarsanno, wakhtigana illowno. Caweyskan aannu Hargeysa ku wada qaadannay, waxa uu isaga gudbayaa mawduucyada nolosha intooda aan jeclahay oo dhan. Ila dhegayso! Support the show

    • Transcript
  • S3 · E6
    Jan 29, 2021 · 1 hr 17 min

    SE03EP06 Yaad Ku Dayataa?

    Send us Fan Mail Dhiirrigelinta dhallinyarada, waa tiir ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee uu ku taagan yahay Codka Ubax. Barnaamijkan waxa aynu ku eegi doonnaa sifooyinka saxda ah ee ay tahay in uu lahaado qofka aynu ku dayanaynaa. Waxa mawduucan soo jeedinaya Mudane Maxamed Cumar Carte. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S3 · E5
    Jan 22, 2021 · 20 min

    SE03EP05 Waa Layga Guursaday 2

    Send us Fan Mail Siyaabo kala duwan ayay isu waayi karaan labada is jeceli. Waxa ka mid ah faragelin waalid, duruufo bulsho ama isfahandarro labada dhinac ah. Waa barnaamijkii labaad ee taxanaha #WaaLaygaGuursaday. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S3 · E4
    Jan 15, 2021 · 39 min

    SE03EP04 Doorka Saxaafadda ee Horumarinta Bulshada

    Send us Fan Mail Saxaafaddu waxa ay door weyn ku leedahay horumarinta iyo dhismaha bulshada. Waa barta laga hago ummadda, laga toosiyo hoggaanka, laguna kaydiyo sooyaalka ummadeed. Haddaba waxyaabaha curyaamiya maxaa ka mid ah, sidoo kale diintu maxay ka qabtaa in dano kale la hoos gashado werinta dhacdooyinka? Waxa ila jooga weriye Siddiiq Maxamed Burmad. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S3 · E3
    Jan 12, 2021 · 32 min

    SE03EP03 Mustaqbalka Ganacsiyada Yaryar: Adeegsiga Tiknoolajiyadda iyo Saamayntooda Dhaqaale

    Send us Fan Mail Waa barnaamijkii labaad ee taxanaha barnaamijyada aynu ku eegayno ganacsatada yaryar ee bilowga ah. BarnaamijkanI waxa uu diiradda saari doonaa habka ganacsiyada yaryari wax uga bedDeli karaan mustaqbalka dalka iyo sida ay u soo kordhin karaan halabuur tiknoolajiyeed. Waxa ila jooga Axmed Cali iyo Cabdifataax Suldaan. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S3 · E2
    Jan 8, 2021 · 33 min

    SE03EP02 Dhallinyarada & Bilowga Ganacsiga: Fursadaha & Caqabadaha

    Send us Fan Mail Waa barnaamijka kowaad ee taxanaha aynu kaga hadli doonno dhallinyarada iyo ganacsiyada yaryar. Qaybtan waxa aynu ku eegaynaa fursadaha iyo caqabadaha hor yaalla dhallinyarada doonaya in ay la yimaaddaan halabuur ganacsi. Waxa ila jooga Xasan Gaadh-haye iyo Aasiya Siciid. Support the show

    • Transcript
  • S3 · E1
    Jan 5, 2021 · 26 min

    SE03EP01 Sannadguurada Kowaad ee Codka Ubax

    Send us Fan Mail Waa sannad cusub iyo Season 3. Waxa aannu dib u eegaynaa sannadkii tegay iyo barnaamijyadii baxay sannadkaas. Sidoo kale waxa aannu eegaynaa filashada sannadka soo socda, haddii Eebbe idmo. Waxa ila fadhiya Cawaale Deeqsi, Hibaaq Larry iyo Shukri Nuur. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S2 · E20
    Dec 11, 2020 · 37 min

    SE02EP20 Suugaanta Weedhsame & Noocyadeeda

    Send us Fan Mail Abwaan Weedhsame waxa uu macallin ahaa in ka badan 15 sanno, sidee macallinnimadiisu u saamaysaa suugaanta uu abuuro? Sidoo kale xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya suugaanta abwaan Weedhsame iyo xiddigaha sare? Siyaasadda ma khasab baa in laga maansoodo, se goorma ayuu ka caafimaaday jacaylkii dhawrka sanno dul degganaa? Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S2 · E19
    Dec 4, 2020 · 16 min

    SE02EP19 Tabaha Hagidda Bulshada

    Send us Fan Mail Hababka ugu saamaynta badan ee wax loo gudbiyo waxa ka mid ah habka maadda iyo qosolka. Sooraan Ismaaciil waxa uu ku suntan yahay, dedaal badanna geliyaa hagidda bulshada, isaga oo u maraya jidkaa aynu hore u soo sheegnay. Waxaannu ku sheekaysannay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S2 · E18
    Nov 27, 2020 · 31 min

    SE02EP18 Dhisidda Kalsoonida Qoyska

    Send us Fan Mail Hadalhaynta tusaalayaasha togan ayaa inta badan ka saamayn iyo waxtar badan buunbuuninta mushkiladaha taagan. Wax badan ayaynu aragnaa sheekooyinka taban ee qoysaska Soomaalida, waxa se muhiim ah in sidoo kale xoogga la saaro sootebinta kuwa guulaystay. Waxa ila jooga lammaanaha Mahad Jaamac Koronto iyo Warda-Sagal Axmed Rooble. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
Showing 81–100 of 128 episodes