Skip to content
Artwork for Codka Ubax
ArtsSociety & CultureLeisure

Codka Ubax

Ismaaciil C Ubax

Codka Ubax waa podcast uu Ismaaciil kula sheekaysto dad uu u arko in ay saamayn togan ku leeyihiin bulshada, waxa xoogga lagu saari doonaa arrimaha bulshada ee wanaagga ah. 

Play
  • 128 episodes
  • Avg 36 min
  • Somali

Support the show

Goes straight to the publisher. podnod takes nothing.

Counted on this page — what you have heard stays on this device, so it is not something the list can be paged by.
  • S7 · E9
    Jul 7, 2023 · 1 hr 11 min

    SE07EP09 Qays Qeyser

    Send us Fan Mail Qofku safarka wuu isku bartaa, dadkana wuu ku bartaa, Qays Qeyser ayaynu kala sheekaysan doonnaa naftiisa, ta dadka kale iyo riyooyinkiisaba. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S7 · E8
    Jun 16, 2023 · 37 min

    SE07EP08 Waa Layga Guursaday 12

    Send us Fan Mail Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday", qaybtiisii 12-aad. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S7 · E6
    Jun 2, 2023 · 53 min

    SE07EP06 Caweyska Burco

    Send us Fan Mail Waxa aannu dadweyne tiro badan ku caweynay magaalada Burco. Daawasho wacan! Support the show

    • Transcript
  • S7 · E5
    Jun 1, 2023 · 27 min

    SE07EP05 Halista Qaabnololeedka Soomaalida

    Send us Fan Mail Maxaa iska beddelay qaabnololeeda Soomaalida? Mustafe Maxamed Cali waxa uu ku takhasusay daawooyinka. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S7 · E4
    May 12, 2023 · 51 min

    SE07EP04 Cabdi Ciise Cajuun

    Send us Fan Mail Fanka, suugaanta, saxaafadda, jacaylka, degaanka Darroor, xerta timaweynta.. Cabdi Ciise Cajuun. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S7 · E3
    May 1, 2023 · 27 min

    SE07EP03 Gaalkacyo: Isbaaradu Waa Qalbiga

    Send us Fan Mail Barnaamijkan waxa aynu ku dhegaysan doonnaa laba halyey oo naftooda u huray sidii ay dadkooda wanaag iyo jacayl uga dhex abuuri lahaayeen. Waa laba jiil oo ay shaqadoodu midaysay, yoolkooduna mid yahay. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S7 · E2
    Mar 4, 2023 · 29 min

    SE07EP02 Waa Layga Guursaday 11

    Send us Fan Mail Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday", qaybtiisii 11-aad. Dhegaysi wacan. Support the show

    • Transcript
  • S7 · E1
    Feb 24, 2023 · 26 min

    SE07EP01 Bandhigga Hangoolka

    Send us Fan Mail ”Bandhigga Hangoolka” iyo daahfurka madasha la yidhaa Fankeenna. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S6 · E8
    Nov 4, 2022 · 45 min

    SE06EP08 Filmmaking: Soomaalida & Tebinta Sheekada

    Send us Fan Mail Hababka ugu saamaynta badan ee sheekooyinka loo tebiyo waxa ka mid ah samaynta filimada. Soomaalida iyo adeegsiga filimaanta ayaynu kala sheekaysanaynaa labada Soosaare ee Maan Yuusuf iyo Khaalid Siciid. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S6 · E7
    Oct 9, 2022 · 51 min

    SE06EP07 Udbaha Nolosha

    Send us Fan Mail Cabdirixiin Siddiiq "Heello" waa halabuur maansayahan ah, halkan waxa uu kaga hadlayaa maansada iyo noocyadeeda guud ahaan, gaar ahaanna maansadiisa "Udbaha Nolosha". Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S6 · E5
    Sep 24, 2022 · 1 hr 1 min

    SE06EP05 Gabboodfallada Caafimaadka

    Send us Fan Mail Gabboodfallada caafimaadku waa maxay? Sidee loo maareeyaa marka khalad dhaco, dhibbanaha maxaa la gudboon, ma se jiraa xeer caafimaad oo dalka u yaal? Ma laga ganacsan karaa caafimaadka iyo daawooyinka, yaa se hubinaya tayadooda? Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S6 · E4
    Sep 16, 2022 · 25 min

    SE06EP04 Waa Layga Guursaday 10

    Send us Fan Mail Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee Waa Layga Guursaday, qaybtiisii 10-aad. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S6 · E3
    Sep 9, 2022 · 45 min

    SE06EP03 - Jawaab Baan Baadhayaa

    Send us Fan Mail Haddii aad warbaahinta ka shaqaynaysay labaatankii sanno ee u dambeeyay, sidee ayaad u arki lahayd isbeddelkeeda joogtada ah? Sidoo kale, Axmed Cismaan Batuun waa abwaan curiya suugaanta, bulshadana qaybaheeda kala duwan u wacyigeliya hab uu jiil kastaa fahmayo. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S6 · E2
    Aug 30, 2022 · 1 hr 2 min

    SE06EP02 - Hadraawi

    Send us Fan Mail Qof kasta oo i naga mid ah, Hadraawi wax ayuu u ahaa, kaalin ayuu igu jirey. Prof. Bulxan, Rooble Cabdi Muuse iyo Xasan Maxamed Yuusuf oo midba dhan ka eegi doono maansadii iyo shakhsiyaddii Hadraawi, ayaa ka warrami doona. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S6 · E1
    Aug 21, 2022 · 1 hr 7 min

    SE06EP01 Damiirka Anaa Iska Leh

    Send us Fan Mail Waa kalkii 6-aad iyo qaybta kowaad oo aynu la sheekaysan doonno Guddoomiyaha Xiddigaha Geeska, Cabdiraxmaan Cismaan ”Xaaji”. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S5 · E12
    Jun 18, 2022 · 59 min

    SE05EP12 Fan iyo Fannaan

    Send us Fan Mail Cumar Seerbiya waa weriye wakhti badan geliyey baadhista fanka iyo fannaanka Soomaalida. Waxa aannu kala sheekaysannay waxa loogu yeedho fanka reer magaalka, bilowgiisii, aragtida bulshada iyo maanta halka uu marayo. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S5 · E11
    Jun 10, 2022 · 17 min

    SE05EP11 Waa Layga Guursaday 9

    Send us Fan Mail Waa qaybtii sagaalaad ee taxanaheennii Waa Layga Guursaday. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S5 · E10
    Jun 3, 2022 · 53 min

    SE05EP10 Maxaa Dookhii Ku Dhacay?

    Send us Fan Mail Waxa aynu la sheekaysan doonnaa Ayaan Axmed Caydiid ”Kaab” oo ka warrami doonta suugaanteeda kaftanka iyo maadda huwan iyo ujeeddooyinka ay u tiriso. Support the show

    • Transcript
  • S5 · E9
    May 27, 2022 · 43 min

    SE05EP09 Isbedellada Nidaamka Caafimaadka

    Send us Fan Mail Nidaamka caafimaadka ee caalamiga ahi sidee ayuu u shaqeeyaa, maxaa se saameeya? Siyaasad ma ka madhan yahay, sidee ayuu se xidhiidh ula leeyahay ka dalalku gaarka u leeyihiin? Dr. Cabdishakuur Cali Maxamed ayaa ka warramaya taariikhda caafimaadka adduunka iyo halka uu maanta marayo. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
Showing 41–60 of 128 episodes