Skip to content
Artwork for Codka Ubax
ArtsSociety & CultureLeisure

Codka Ubax

Ismaaciil C Ubax

Codka Ubax waa podcast uu Ismaaciil kula sheekaysto dad uu u arko in ay saamayn togan ku leeyihiin bulshada, waxa xoogga lagu saari doonaa arrimaha bulshada ee wanaagga ah. 

Play
  • 128 episodes
  • Avg 36 min
  • Somali

Support the show

Goes straight to the publisher. podnod takes nothing.

Counted on this page — what you have heard stays on this device, so it is not something the list can be paged by.
  • S5 · E8
    May 20, 2022 · 14 min

    SE05EP08 Waa Layga Guursaday 8

    Send us Fan Mail Waa barnaamijkeennii WLG, qaybtiisii 8-aad. Qaybtan waxa aynu ku wadaagi doonnaa laba sheeko oo ay soo gudbiyeen laba gabdhood. Labadan sheeko waxa la kala yidhaa "Allow Hargab Ka Dhig" iyo "Inantu Aniga Ma Aha". Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S5 · E7
    May 13, 2022 · 30 min

    SE05EP07 Kalkaalisadii Horumarisay Finland

    Send us Fan Mail Laba sanno gudahood ayay ku beddeshay nolosha kumannaan qof, sidoo kalena ay ku samaysay dhaqaale dhawr milyan oo doollar ah. Fadumo Faysal Cali ”Waraabe” waa kalkaaliso aasaastay shirkad u adeegta bukaanka iyo inta jilicsan ee dalka Finland. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S5 · E6
    May 2, 2022 · 19 min

    SE05EP06 Ciid Wanaagsan

    Send us Fan Mail Carruurnimadaadii, sidee ayaad u ciidi jirtey? Su'aashan ayaannu weydiinnay ehel iyo asxaab kala duwan oo maanta ku ciidayay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S5 · E5
    Apr 29, 2022 · 30 min

    SE05EP05 Dalxiiskii Riyada

    Send us Fan Mail Ridwaan Iid "Hilawle" waa halabuur curiya suugaanta, sameeya laxammada heesaha, sidoo kalena ku luuqeeya cod aad loo jeclaysto. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S5 · E4
    Apr 22, 2022 · 39 min

    SE05EP4 Digrigii Xubbiga

    Send us Fan Mail Waa silsilad-suugaaneed ka dhalatay geeri naxdin leh oo kala geysay lammaane ku ballansanaa in ay is guursadaan. Dhacdadan iyo suugaanta ka dhalatayba halkan ka dhegayso. Support the show

    • Transcript
  • S5 · E3
    Apr 18, 2022 · 19 min

    SE05EP03 Waa Layga Guursaday 7

    Send us Fan Mail Waa qaybtii toddobaad ee barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ka boganaynaa sheekada lammaane kala jooga Hargeysa iyo Jigjiga. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S5 · E2
    Apr 15, 2022 · 53 min

    SE05EP02 Jilaaga Filinka Xaaska Xabaalqodaha

    Send us Fan Mail Cumar Cabdi Nuux waa jilaaga filinka caanka ah ee sannadkii u dambeeyay adduunka qabsaday. Waxa aannu kala sheekaysannay hayaankiisa jilaanimo, dariiqii loo maray filinkan u dambeeyay iyo guud ahaan waayaha ku gedaaman curinta filimaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S5 · E1
    Apr 8, 2022 · 47 min

    SE05EP01 Saamaynta Maalka & Maanka ee Dabka Hargeysa

    Send us Fan Mail Saamayn dhaqaale oo muuqata ayuu dabkii Hargeysa ku yeeshay shacabka. Sidoo kale mid maskaxeed ma ku yeelan karaa? Sidee looga soo kabtaa labadaas? Waxa faahfaahin ka bixinaya Ugbaad Axmed Xaashi iyo Dr. Axmed Cabdi Xirsi. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S4 · E15
    Dec 10, 2021 · 56 min

    SE04EP15 Deegaanka & Duurjoogta: Huda Cali Banfas

    Send us Fan Mail Waa barnaamijka Deegaanka & Duurjoogta. Waxa aan xaaladda duurjoogta dalka kala sheekaystay Huda Cali Banfas oo shaqadeedu tahay badbaadada iyo daryeelka duurjoogta. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S4 · E13
    Nov 5, 2021 · 36 min

    SE04EP13 Fanka & Suugaanta: Cawaale Deeqsi

    Send us Fan Mail Waa barnaamijkii kowaad ee ku baxa maqal & muuqaal. Qaybtani waa dhegaysi, haddii aad doonayso in aad daawato qaybtan, booqo boggayaga Youtube, adiga oo ku baadhaya magaca Codka Ubax. Barnaamijka Fanka & Suugaanta oo taxane ah waxa marti ku ah Cawaale Deeqsi. Dhegaysi/daawasho wacan! Support the show

    • Transcript
  • S4 · E12
    Sep 24, 2021 · 12 min

    SE04EP12 Waa Layga Guursaday 6

    Send us Fan Mail Waa qaybtii lixaad ee taxaneheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko, ta kowaad waxa la yidhaa ”Islaan Baan Qalayay”, ta labaadna ”Igu Labee”. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S4 · E11
    Sep 10, 2021 · 19 min

    SE04EP11 Makhaayadda Hablaha - Rinkeby

    Send us Fan Mail Badhtamaha xaafadda ugu hadalhaynta badan magaalada Stockholm, marka ay noqoto dhanka rabshadaha, waxa ku taalla makhaayad nooceedu ku yar yahay ogaalka dadka. Waa makhaayad la yidhaa Tast of Africa oo loo furay dumarka oo keli ah. Waxa aan la sheekaystay mulkiilaha, Ubax Cumar Toosh. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S4 · E10
    Aug 20, 2021 · 41 min

    SE04EP10 Noocyada Jacaylka & Aragtida Suugaanyahanka

    Send us Fan Mail Jacaylku waa maxay, imisa nooc ayuu u qaybsamaa, ma daruuri baa in wax la jeclaado mise waa dookh, ragga iyo dumarka sidee ayuu u kala saameeyaa, waa se maxay aragtida suugaanyahanka ee jacaylku? Waxa aan la sheekaystay Mawliid Aadan Biixi oo ah Qoraa iyo Suugaanyahan ku xeel dheer dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S4 · E9
    Aug 13, 2021 · 12 min

    SE04EP09 Waa Layga Guursaday 5

    Send us Fan Mail Waa qaybtii shanaad ee tanaxanihii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa, "Hooyaa i Tidhi ha Guursan" iyo "Sannad Baan is Qabnay." Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S4 · E8
    Jul 23, 2021 · 15 min

    SE04EP08 Ciid Wanaagsan

    Send us Fan Mail CIID WANAAGSAN - Waxa barnaamijkan daaddihinaya Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey, waxana ka mid ah dadka ka qaybqaadanaya, Faysal Xawaase, Xasan Waddo, Mubaarig Qoorubaxay, Khaliif Faarax Xayir iyo Samatar Siciid Saalax. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S4 · E7
    Jul 9, 2021 · 46 min

    SE04EP07 Gefka Jacaylka ka Daaya

    Send us Fan Mail Abwaan Keyse Maxamed "Galaydh" waa gabyaa ka maansooda nolosha qaybaheeda kala duwan. Isaga oo safar ah, ka yimid Jigjiga, una socda Burco, ayaannu ku sheekaysannay Hargeysa, suugaantiisa dhanka jacaylka iyo waxbarashadana ku wadaagnay. Dhegaysi habboon! Support the show

    • Transcript
  • S4 · E6
    Jul 2, 2021 · 30 min

    SE04EP06 Jawhar: Jidkii Dheeraa ee Saxaafadda

    Send us Fan Mail Wax ka baro magaalada Jawhar oo ah halka uu ku dhashay Siciid Xagaa Afrax. Siciid oo saxaafadda ku jirey muddo 20 sannadood ah, waxa uu ka warramayaa jabkii uu u soo maray mihnaddiisa iyo sidii uu uga gudbay caqabadahaas. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S4 · E5
    Jun 25, 2021 · 1 hr 25 min

    SE04EP05 La Dalxiis Codka Ubax: Ceerigaabo 2

    Send us Fan Mail Waa qaybtii labaad ee barnaamijkii dalxiiska ee Ceerigaabo. Qaybtan waxa aynu ku tegi doonnaa buurta Daalo. Waxa aynu subax hore ka bixi doonnaa magaalada Ceerigaabo, innaga oo ka sii quraacan doonna tuulada Karin. Waxa safarka hage ka ah Cabdirisaaq iyo Khadiija. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
  • S4 · E4
    Jun 18, 2021 · 59 min

    SE04EP04 La Dalxiis Codka Ubax: Ceerigaabo 1

    Send us Fan Mail Waxa aannu dalxiis ku tegaynaa gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo iyo Buurta Daalo. Barnaamijku waa laba qaybood. Qaybta labaad waxa ay ku soo bixi doontaa barnaamijka kan xiga. Nala dalxiis. Dhegaysi wacan! Support the show

    • Transcript
Showing 61–80 of 128 episodes