Skip to content
Artwork for Politiko 360
NewsNews Commentary

Politiko 360

Dawan Media

Politiko 360 is a weekly political podcast produced by Dawan Media that brings rigorous, accessible analysis of
Somali politics, governance, and state formation to audiences at home and across the diaspora.
The show bridges legal and institutional expertise with frontline political experience, connecting current events to enduring
principles of governance - delivered in both Somali and English.
Each week, two of Somalia’s most respected public voices dissect the political landscape with the depth, candour, and
context that mainstream coverage rarely provides.

Play
  • 4 episodes
  • Avg 38 min
  • English
  • #4
    Thursday · 41 min

    S1 E4 | Politiko 360 : Maxay qoreen Puntland, Golaha Mustaqbal iyo Farmaajo?

    Barnaamijka toddobaadlaha ah ee Politiko 360 ayaa si qoto dheer uga hadlaya warqadaha ay Puntland, Golaha Mustaqbalka iyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u direen Qaramada Midoobay, xilli siyaasadda Soomaaliya ay mareyso marxalad xasaasi ah. Barnaamijku wuxuu si gaar ah u eegayaa nuxurka warqadaha, qodobada ay dhinacyadu ka dalbanayaan Qaramada Midoobay, doodda ku saabsan dual-track, xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, arrimaha doorashada, iyo doorka beesha caalamka ee siyaasadda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale lagu falanqeynayaa doodda ka dhalatay xiriirka dhinacyada Soomaalida ay la sameynayaan hay’adaha iyo dowladaha shisheeye, iyo waxa arrimahaasi uga dhigan yihiin siyaasadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Barnaamijka waxaa daadihinaya Alinur Salad , waxaana kala qeyb qaadanaya Hussein Abdi Adam, Tifaftiraha Arrimaha Doorashooyinka ee Dawan Media, iyo Mohamed Guure, Maamulaha Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliya. Time Code: 00:00 – Hordhac 01:45 – Todobaadka Warqadaha: Mucaaradka, Puntland, Farmaajo iyo Qaramada Midoobay 03:03: - Maxaa ku jiray warqadda Golaha Mustaqbalka 07:38 – Maxaa ku jiray warqadda Puntland 11:44 – Warqadda Farmaajo maxaa ku jiray? 15:35 – Maxay ku kala duwan yihiin warqadaha Puntland iyo Golaha Mustaqbalka? 23:30 – Mucaaradka iyo dowlad-goboleedyadu intee u dacwoonayaan hadda kadib? 30:59 – Mustaqbalka wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya 35:34 – Maxaa laga fahmi karaa warqadda Farmaajo ? Politiko 360 waa barnaamij siyaasadeed toddobaadle ah oo ay soo saarto Dawan Media, kaas oo lagu falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya iyo dhacdooyinka ugu muhiimsan ee dalka. #Politiko360 #Somalia #Soomaaliya #Puntland #GolahaMustaqbalka #Farmaajo #SiyaasaddaSoomaaliya #QaramadaMidoobay #DawanMedia 📍 Subscribe: /@dawan_tv 💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka 🔔 Nala soco si aad u hesho falanqaynta ugu muhiimsan ee siyaasadda Soomaaliya! https://www.dawan.so/ https://www.dawan.africa https://www.bawaba.africa

  • #3
    September 24 · 36 min

    S1 E3 | Politiko 360 : Siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya: Maxaa Isbeddelay?

    Xalqadda 3aad ee Politico 360 ee Dawan Media ayaa lagu falanqeynayaa xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka, magacaabista safiirka cusub ee Maraykanka ee Soomaaliya, iyo isbeddellada laga dareemayo siyaasadda Washington ee Soomaaliya. Doodda waxaa ka qeyb galay: Xuseen Cabdi Aadan – Tifaftiraha Arrimaha Doorashooyinka, Dawan Media Maxamed Guure – Agaasimaha Machadka Daraasaadka Sare ee Diblomaasiyadda Soomaaliya Cali Xalane – Agaasimaha Tifaftirka, Dawan Media Barnaamijku wuxuu sidoo kale diiradda saarayaa saameynta isbeddellada diblomaasiyadeed ee ku saabsan wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, arrimaha amniga, AUSSOM, iyo muhiimadda marin-biyoodka Baab el-Mandeb. Daawo Xalqadda 3aad ee Politico 360. Politiko 360 waa barnaamij siyaasadeed toddobaadle ah oo ay soo saarto Dawan Media, kaas oo lagu falanqeeyo arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo dhacdooyinka ugu muhiimsan ee dalka. #Politico360 #DawanMedia #Somalia #USA #SomaliaPolitics #Diplomacy #USSomalia 📍 Subscribe: / @dawan_tv 💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka 🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya! https://www.dawan.so/ https://www.dawan.africa https://www.bawaba.africa

  • #2
    September 17 · 39 min

    S1 E2 : Maxaa Hortaagan Doorashada Soomaaliya? | Dowladda iyo Mucaaradka oo Heshiis Raadis ah | Politiko 360

    Maxaa hortaagan heshiiska Dowladda Federaalka iyo mucaaradka? Maxay noqon kartaa jihada siyaasadda Soomaaliya, iyadoo doorashadu soo dhowaanayso? Barnaamijka toddobaadlaha ah ee Politiko 360 ayaa si qoto dheer uga hadlaya xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, heshiiska Dowladda iyo mucaaradka, isbarbaryaaca mucaaradka iyo saameynta uu dib-u-dhaca heshiisku ku yeelan karo doorashada iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka. Barnaamijka waxaa daadihinaya Wada Alinur Salad, waxaana kala qeyb qaadanaya Ali Halane iyo Hussein Abdi Adam. Time Code 00:00 — Hordhaca 04:08 — Safarka Madaxweyne Xasan ee New York iyo saxiixa heshiiska mucaaradka 10:34 — Muxuu noqon doonaa heshiiska mucaaradka iyo dowladda? 20:28 — Isbarbaryaaca mucaaradka 25:00 — Fursadda mucaaradka 35:51 — Saameynta dib-u-dhaca heshiiska dowladda iyo mucaaradka Politiko 360 waa barnaamij siyaasadeed toddobaadle ah oo ay soo saarto Dawan Media, kaas oo lagu falanqeeyo arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo dhacdooyinka ugu muhiimsan ee dalka. #Politiko360 #Somalia #Soomaaliya #Doorashada #SiyaasaddaSoomaaliya #Dowladda #Mucaaradka #DawanMedia 📍 Subscribe: / @dawan_tv 💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka 🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya! https://www.dawan.so/ https://www.dawan.africa https://www.bawaba.africa

  • #1
    September 5 · 36 min

    S1 E1: Muxuu Yahay Guddiga Shaqo(Task Force) ee Doorashada? Shaqadiisa iyo Sharciyaddiisa!

    Xalqada 1aad ee Podcast-ga Politiko 360 ee Dawań Media waxaa lagu falanqeeyay Guddiga Shaqo (Task Force) ee ay ku heshiiyeen dhismahiisa dhinacyada isku haya Doorashada Soomaaliya. Doodda waxaa ka qeyb galay Tifaftiraha Arrimaha Doorashooyinka ee Dawań Xuseen Cabdi Aadan, Agaasimaha Machadka Daraasaadka sare ee Dublamaaisayadda Soomaaliya Maxamed Guure imo Agaasimaha Tifaftirka Dawań Media Cali Xalane.

Showing 1–4 of 4 episodes