
Sida Baarlamaanku u Shaqeeyo & Sida Doorashadu u Soo Saari Karto Xildhibaanno Tayo Leh
Waxaa socda dadaallo looga heshiinayo nooca doorasho ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee xiga. Waxaa jira saluug ah in doorashooyinkii dadbanaa ee hore aanay soo saarin xildhibaanno leh tayadii laga filayay. Su’aasha muhiimka ahi waxa ay tahay: sidee ayay noocyada doorasho ee laga wada hadlayo u abuuri karaan fursad lagu helo xildhibaanno leh tayada laga filayo? Calinuur Boodaaye waxa uu kamid ahaa baarlamaankii 9-aad. Waxa uu qiimeyn iyo gorfeyn ku sameeyay baarlamaankii uu ka tirsanaa. Qeybta 80-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Calinuur Boodaaye waxa ay isla gorfeynayaan sida uu u shaqeeyo baarlamaanka iyo sida loo qaabeyn karo nidaamka doorashada si loo helo xildhibaanno tayo leh, xilligan laga wada xaajoonayo doorashada baarlamaanka 12-aad. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!


















